Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Tirada Dadka loo xiro Argagixisada oo Korortay


Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argagixisanimada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagixisanimo ay gaartay 100 qof.

Tirada dhalinyarada mulsimiinta ah ee dalkan Britain ee ku biiray kooxaha argagagixisada ah ayaa korodhay iyadoo ay jiraan dhalinyaro da’doodu ay aad u yar tahay oo ka tagay Britain, kuna biiray kooxaha argagixisada oo ISIS ay ka mid tahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa shaacisay warbixin ka hadlaysa tirada sii badanaysa ee dadka loo xirayo in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo sida wasaaraddu ay sheegtay. Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argagixisanimada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagixisanimo ay gaartay 100 qof.

Waa tiradii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay ururinta macluumaadkan cusub ee Wasaaraddu ay soo bandhigtay. Tiradii ugu badnayn ee dadka loo xiray falalka aragixisanimo waxaa ay dhacday kadib markii weerarkii argagixiso ee ka dhacay London, bishii July ee sanadkii 2005-ka. Dadka loo qabqabtay falalka argagixisanimo waxaa ku jira kuwo haysta dhalashada Britain iyo kuwo kale oo isla haystay labo dhalasho oo midi ay tahay dhalashada Britain sida ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu sheegeen.

Sanadihii 2014 iyo 2015 waxaa tirada qiyaasta dadka loo xiray falakaasi ay noqonaysaa afar-meelood oo sadex-meel , waana tiro aad uga badan middii sanadkii 2001-ka oo qiyaastu ay noqonayso 52% , xiligaasi waxaa dhacay weeraradii argagixso ee lagu qaaday magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in dhalinyarada da’doodu ay u dhexeyso 18 ilaa 20 sano-jirka ee loo xiray falalka argagixisanimo sanadkan oo kaliya ay labo-jibaarantay, waa marka la bar-bardhigo sanadkii hore, tiraduna waxa ay noqonaysaa 43 qof oo dhalinyaro ah.

Haweenka loo xiray falalka argagaixisanimada sanadihii 2014/15, waxaa ay gaarayaan 35 haween ah. Sideed kamid ah haweenkaasi waxaa ay ahaayeen gabdho da’doodu ay ka yartahay 18 sano.

Waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo ku nool dalka Britain oo aan la xiriiray, iina sheegay in ay jiraan caruur ay dhaleen oo loo xiray tuhumo la xiriira in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo iyadoo sidoo kalana ay jiraan gabdho Soomaaliyeed oo ka tagay magaalada Bristol oo ku biiray kooxda ISIS ee dalka Syria sanadkii hore.

Dhalinyarada ku biiraysa kooxaha argagixisada ayaa u nugul in ay aqbalaan baaqyo uga yimaada kooxaha xag-jirka , kuwaasi oo u sheega in dawladaha Galbeedku ay dhibaato ku hayaan diinta islaamka iyadoo dhalinyaradiisana aanay lahayn aqoon ama garasho ku filan oo la xiriirta fahamka saxda ah ee diinta Islaamka.

Sheekh Cismaan Usuuli, Waa gudoomiyaha Machadka European Institute of Human Science oo xaruntiisu ay tahay magaalada London , waxa uu ku doodayaa in looga baahan yahay in dawladduy ay badasho siyaasadaheeda ku wajahan wal-walka islaamka laga qabo, una muujiyaan dadka Muslimiinta ah in ay qayb ka yihiin bulshada inteeda kale – waxa kale oo uu qabaa in gacan buuxda la siiyo hay’adaha islaamka ee Yurub si dhalinyarada loo fahansiiyo islaamka saxda ah.

Tirada guud ee dadka loo xiray falalka argagixisanmimo ee dalka Britain, 14kii sano ee lasoo dhaafay waxaa ay ku dhowdahay 3000 oo qof.

Dhibaatada xag-jirnimo waxaa ay dhib badan ku haysaa qoysaska muslimiinta ah ee guud ahaan ku nool qaaradda yurub, kuwaasi oo ay isugu darsantay in caruurtoodu ay ku biiraan kooxaha argagaixisada ah ee ka howlgala dalalka dalal ay kamid syiria iyo Somalia.

XS
SM
MD
LG