Wada-hadalladii Mooshinka oo Baaqday

Madaxweyne Xasan

Kulan lagu waday inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho, oo looga hadli lahaa mooshinka ay xildhibaano ka tirsan baarlamanka ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaqday.

La-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Prof. Cumar Aadan Qaadi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in kullanka uu u baaqady ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid dartiis oo dalka ka maqan, islamrkaana dalbaday in lala sugo kulanka.

Si kastaba, xildhibaanada mooshinka horey uga keenay madaxweynaha ayaa sheegay inuusan jirin kulan baaqday balse ayaga ay diideen inay ka qeyb galaan wada-hadallada, ayna go’aan kasoo saareen arrintan shalay.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka keenay, ayaa VOA-da u sheegay in kulanka ay diideen kadib markii sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamanka uu dastuurka ku xadgudbay, islamarkaana uu saddex goor uu qiyaano ku sameeyey arrin dastuuri ah.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray weriyaheena Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Xasan Kaafi Qoyste