Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Shan Qof Dilay oo ka Dhacay Afgooye


Qarax
Qarax

Shan qof ayaa ku geeriyooday, afar kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax maanta ka dhacay suuqa xoolaha degamda Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka dhintay ayaa waxa ay isugu jiraan saddex qof oo rayid ah iyo laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen VOA-da

Qaraxa, ayaa waxa uu ka dhashay miino sida la sheegay dhulka lagu aasay kadibna ku qaraxday dadkii saaka suuqa yimid.

Dadku waxa ay sheegayaan inay u maleynayaan in miinada xalay lagu aasay suuqa.

Lama garanayo cidda miinada aastay, mana jirto weli koox sheegatay inay qaraxaas ka dambeysay.

XS
SM
MD
LG