Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jawaari oo Codsaday in La Daayo Suxufiyiinta


guddoomiyaha baarlamaanka, Jawaari
guddoomiyaha baarlamaanka, Jawaari

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jaawaari, ayaa ka codsaday xeer-ilaaliyaha qaranka in lasii daayo laba weriye oo ka tirsan taleefishinka Universal ee u xiran dowladda.

Codsiga Jawaari, oo qoraal ahaan kusoo baxay, ayaa waxaa magaalada Muqdisho warbaahinta ugu aqriyey Pro. Cumar Aadan Qaadi oo la-taliye u ah guddoomiyaha baarlamanka.

Lama oga, in la aqbali doono codsiga guddoomiyaha baarlamanka iyo in kale.

Weriye Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Xirsi Kulmiye, oo jimcihii lagu xiray magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku jiraan xabsiga maalintii lixaad.

Warsaxaafadeed shalay kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda, ayaa lagu sheegay in labadan suxufi iyo taleefishinka ay ka tirsan yihiin ee Universal loo haysto warar iyo barnaamijyo ay hay’addu ku sheegtay kuwo been abuur ah oo dowladda loogu gefay.

XS
SM
MD
LG