Odinga oo Doonaya in Kenya ay ka Baxdo Somalia

Raila Odinga

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dawladda dalkiisa inay la timaado jadwal cad oo ay kaga baxayso Soomaaliya.

Odinga ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidamada Kenya lagu soo celiyo xadka islamarkaana ciidanka Kenya ay ku koobnaadaan inay tasiilaad siiyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlgalka Amisom ee caawinaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Odinga ayaa arrintan ku sheegay waraysi uu VOA ku siiyey magaalada Philadelphia oo uu kaga qaybgalayey shir uu qaban qaabiyey Machadka Diqmoraadiyadda Maraykanak NDI.

Wareysiga oo uu qaaday weriyaheena Haaruun Macruuf, waxaa soo jeedinaya wariyeheenna Maxamed Cabdi Xasan.

Your browser doesn’t support HTML5

Odinga oo u warramay VOA