Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo Wajaheysa Mustaqbal aan Caddeyn


Gonder
Gonder

Bare Culuumta Siyaasadda dhiga oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay wajaheyso mustaqbal aan caddeyn, haddii ay qaban weyso doroasho xor iyo caddaalad ah.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo tobanaan kun oo qof oo ku nool magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ay qabanayaan dibadbax ay ku baaqayaan in is-beddel lagu sameeyo dowladda, sababta oo ah caddaalad darro ka jirta qeybinta kheyraadka dalka.

Getachew Metaferia, oo ka tirsan jaamacadda Morgan State University ayaa sheegay in sababta banaanbaxyada Gonder iyo kuwii sanadkiii hore ee gobolka Oromada ay qeyb ka yihiin nidaamka Federaalka ee Ethiopia.

Metaferia ayaa sidoo kale sheegay in sababta kale ee kacdoonka ka jira Ethiopia uu yahay wax uu ugu yeeray xaaladda dimoqraadiyadda Ethiopia oo sii xumaaneysa.

“Ma jiro cid difaacda xuquuqda aadanaha, ma jirto xorriyad hadal, ama mid warbaahineed” ayuu yiri.

Madaxa xafiiska isgaarsiinta ee gobolka Amxaarada, Ngusu Tlahun ayaa sheegay in dibad babaxayaashu ay dalbanayaan in gobolkooda la hormariyo iyo maamul wanaag, haddii dowladduu ay arrintaas wax ka qabatana wax walba ay xalismayaan.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegeysa inuusan jirin kacdoon, balse ay arrinmahan wadaan shaqsiyaad yar oo ay ugu yeertay argagixiso oo taageero ka helaya dowladda Eritrea.

XS
SM
MD
LG