Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar ka Tirsan Amisom oo la Maxkamadeeyey


Askar ka tirsan ciidamada Amisom ee Soomaaliya ka howlgala, gaar ahaan ciidamada Uganda ayaa maanta lagu maxkamadeeyey magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo dhowr iyo toban gaaraya ayaa waxaa ka mid ah shan ka tirsan ciidamada Amisom ee Uganda oo bishii June ay ciidamada dowladda Somalia ku soo qabteen iyaga iyo 10 qof oo Soomaali ah garaash ku yaala Muqdisho, xilli ay suuq madow ku iibinayeen rasaas iyo qalab ciidan.

Sarkaalkii ugu sarreeyay askartan oo la maxkamadeeyay ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, darajadiisa oo hoos loo dhigay iyo in Soomaaliya laga masaafuriyo.

Askarta la maxkamadeeyey ayaa waxaa ku jiray qaar aanay ciidamada dowladda Soomaaliya soo xirin balse baaritaan kadib la ogaaday inay arrintan ku lug lahaayeen.

Wariyeheenna magaalada Muqdisho Jacfar Kukay oo ku sugnaa maxkamaddii qaaday dacwadan ayaa warbixintan inoo soo diray.

Maxkamadeynta Askarta Amisom
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00

XS
SM
MD
LG