Masar oo Saanad Ciidan ku Wareejisay Somalia

Gaadiid

Dowladda Masar ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay hub, gaadiid iyo sanaad ciidan oo loogu talay galay ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababran ee loo yaqaan Danab.

Saanaddan ciidan, ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya guddoonsiiyey Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil, sida ay faafisay wakalaadda warraka Soomaaliyeed ee SONNA.

“Waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybq aadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri danjire Waliid.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo danjire Waliid ka guddoomay qalabkan ayaa uga mahad celiyey dowladda Masar taageerada ay u fidisay Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa dhinaca kalena ballan qaaday inay taageero kale u fidin doonto dowladda Soomaaliya mustaqbalka dhow.

Weriyaheena Xuseen Barre Aadan ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Your browser doesn’t support HTML5

Masar oo saanad ciidan siisay Soomaaliya