Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Iska Fogeeyey Afgambigii Turkiga


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa cambaareeyey fikradaha ku saabsan in Washington ay ku lug lahayd afgambigii dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay dlaka Turkiga.

“Waxaan u maleeneynaa inay tahay mas’uuliyadda darro in Mareykanka lagu eedeeyey afgambigaas” ayuu Kerry u sheegay taleefishinka CNN.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadaad lagu magacaabo Fethullah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka ku eedeeyey inuu abaabulay afgambigaas, wuxuuna dalbaday in lasoo masaafuriyo.

Sabtidiina, wasiirka shaqada Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyey Washington inay ka dambeysay isku dayga afgambi.

Wada-hadal dhinaca taleefonka ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimah dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayuu Kerry ku sheegay “In Mareykanka lagu eedeeyo afgambigaas fashilmay ay tahay arrin dhaawaceysa xiriirka labada dal”.

Kerry ayaa dhinaca kale sheegay in Turkiga aysan Mareykanka usoo gudbin codsi rasmi ah oo ku saabsan soo masaafurinta Fethullah Gulen.

XS
SM
MD
LG