Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheey Mire Dacar Oo geeriyooday


Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay
Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay

Allah u naxariistee waxaa Galabta Magaalada Hargeysa ku geeriyooday fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.

Fanaanka ayaa u geeriyooday xanuun uu in muddo ah u jiifay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeisa.

Fanaanka ayaa la sheegay inuu fanka ku soo biiray sanadihii sideetamaadkii, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo uu ku caan baxay xilligaa inuu dadka madadaaliyo xafladaha aroosyada.

Waxaa uu ahaa fanaan ku heesa Kabanka oo heesihiisa laga jecelyahay dhulka Somalida.

Qaar ka mid ah Bandhig fanaadyadiisii ugu dambeeyay ayuu fanaanka sanadkii tagay ee 2015ka ku qabtay magaalada London

Caabbi Mire Dacar oo ay walaali yihiin fananka geeriyooday ayaa VOA u xaqiijiyay geerida Fanaanka.

Wareysiga Caabi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00

XS
SM
MD
LG