Galmudug iyo Ahlu Sunna oo heshiiyey

Madaxweynaha Galmudug ayaa wax ka saxiixay heshiiska

Madaxweynaha Galmudug ayaa wax ka saxiixay heshiiska

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu-Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye.

Maamulka GALMUDUG iyo Xubno ka mid ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta heshiis ku gaaray magaalada Cadaado oo iminka xarun ah GALMUDUG.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu-Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in Ahlu-Sunna qeyb laga siiyo xubnaha baarlamanka GALMUDUG iyo golaha fulinta ama wasiirada uu soo dhisi doono madaxweynaha GALMUDUG Cabdkariim Guuleed.

Heshiiska ayaa waxaan qeyb ka ahayn oo diiday garabka Ahlu-Sunna ee gacanta ku haya magaalada Dhuusomareeb, oo sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn heshiiska.

Waxaan wareysi la yeelanay Sheekh Ibraahim Guureeye iyo Afhayeenka Ahlu-Sunnada Dhuusomareeb Mursal Sheekh Maxamed oo sheegay inay yihiin maamul, oo Ahlu-Sunna.

Haddaba Hoos ka dhageyso labada wareysi.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Ibraahim Guureeye

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Mursal