Ciidanka Dowladda Oo Dib U Qabsaday Marka

Marka, Somalia

Degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maalmihii dhowaa gacanta ku hayey maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa saaka mar kale la wareegay gacan ku heynta magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Magaalada ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay maleeshiyada ururka Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugnaa halkaas.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali, ayaa VOA-da u sheegay in wax dagaal ah uusan magaalada ka dhicin, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen intii ciidamada dowladda ay kusoo wajahnaayeen magaalada.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ka baxay magaalada Marka ayaa lagu warramay in u dhaqaaqeen dhinaca Janaale iyo Jilib Marka.

Xaaladda magaalada ayaa iminka degan.

Sahra Abdi Ahmed ayaa khadka telefoonka ee magaalada ku wareysatey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda Oo Dib U Qabsatay Marka