Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Weerada Al-Shabaab Waa Bilow


Dalool ka muuqda diyaaradda
Dalool ka muuqda diyaaradda

Mas'uuliyiinta dowladda Somalia ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay qorshaynayso weerarda labaad iyo saddexaad oo ay ku qaadaan gaadiidka cirka.

Mas’uuliyiinta amniga ee Soomaalida ayaa xaqiijyey in bam uu ka dambeeyey qaraxii diyaaradda Daalo ee maalintii Talaadada ee usbuucii hore.

Dad dhowr ah oo ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha, iyo xubno ka mid ah ciidamada amniga ayaa loo xiray dhacdadan.

Waxay saraakiisha amnigu aaminsan yihiin in tallaabadani ay ahayd tii ugu horraysa weeraro noocan ah oo ay damacsan yihiin kooxaha xagjirka ah, waxayna sheegeen inay aaminsan yihin inay weeraro kale soo wadaan.

Waxay sheegen in Al-Shabaab ay qorshaynayso weerarda labaad iyo saddexaad oo ay ku qaadaan gaadiidka cirka.

Wararka aanu ka helayno Ilaha amniga ee Soomaaliya waxay sheegayaan inay u caddahay in ururka Al-Shabab ay ka dambeeyeen iskudayga la doonayey in lagu burburiyo diyaaradda.

Waxay sheegeen in ka sokow shaqaalaha la qabtay, qof ugu muhiimmsan ee la tuhunsan yahay uu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabab, horeyna ay u yaqaaneen hay’adaha amniga.

Haaruun Macruuf ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Warbixin gaar ah: Qaraxii Daalo
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:04 0:00

XS
SM
MD
LG