Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: 3 Askari Oo Lagu Dilay Qarax


Canug dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxa. Feb. 8 2016
Canug dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxa. Feb. 8 2016

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ururka Taalibaan ayaa ka dhacay gobolka woqooyi ee Balkh.

Qof is-miidaamiyey oo ka tirsan ururka Taalibaan, ayaa ku dilay ugu yaraan saddex askari oo Afghan ah, islamarkaana dhaawacaya 18 kale, gobolka woqooyi ee Balkh.

Saraakiisha Afghanistan oo soo xiganaya warbixnno horudhac ah oo laga helay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in bas siday shaqaale ka tirsan ciidamada qaranka Afghanistan lagu bartilmaameedsaday weerarkan oo ka dhacay degmada Dahdadi.

Dad goob joogayala ah ayaa weriyayaasha u sheegay inay arkeen ugu yaraan sideed qof oo dhintay. Warbixinno ayaa sheegaya in haween u shaqeynayey gobolka ay ku jiraan dadka dhaawacmay.

Afhayeenka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa bayaan uu u diray weriyayaasha ku sheegtay inay ka dambeeyeen weeraraka.

Waxa uu sheegay in qofka ismiidaamiyey uu koray baska wax yar un ka hor inta uusan dhaqaaqin, kadibna uu isku dhex qarxiyey.

XS
SM
MD
LG