Axmed Madoobe: Waa Nala Qasbay

Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in go'aankii kasoo baxay shirka Madasha uu ahaa mid qasab ah oo ay isla garteen beesha caalamka iyo dowladda federaalka.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in go’aankii ka soo baxay shirkii madasha qaranka uu ahaa go’aan ay dowladdu gaartay beesha caalamkuna ay ku raacday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrintani ay ku timid kadib markii madaxda Soomaalidu ay ku guul darreysteen inay go’aan gaaraan kadib shirar dhowr ah.

Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo ku laabtay ayaa sheegay in kadib markii ay beesha caalamka u sheegeen inay heshiis gaari waayeen, ay dowladda ku amartay in ayada xal keento, sidaana uu ku yimid go’aanka.

Waxa uu sheegay in go’aanka kasoo baxay dowladda uusan ahayn fakar ama soo jeedin, balse uu ahaa go’aan qasab ah, oo beesha caalamkana ay ku taageertay.

Warbixitnan waxaa Kismaayo ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Axmed Madoobe: Waa nala qasbay