Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Woqooyi Oo Gantaallo Diyaarineysa


Gantaallo ay ridday Korea-da Woqooyi (Sawir hore)
Gantaallo ay ridday Korea-da Woqooyi (Sawir hore)

Warar ayaa sheegaya in Korea-da Woqooyi ay dooneyso in riddo gantaallo gaari kara dalalka Mareykanka iyo Japan.

Saraakiisha Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed ayaa si hoose u sheegaya inay rumeysan yihiin in Korea-da Woqooyi ay diyaarineyso inay riddo gantaallo, toddobaadka soo socda gudihiisa.

Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqyo dheeri ah ay ka socdaan Korea-da Woqooyi, taasi oo soo jeedineysa in isu diyaarinta ridista gantaal ay socoto.

Dowladda Japan ayaa jimcaha (1/29/2016) soo saartay amar ku saabsan ka hortagga gantaalkan.

Warbaahinta Japan ayaa goor sii horreysay weriyey in sawirro satellite-ka uu qaaday ay muujinayaan in goob lagu magacaabo Tongchang-ri oo ku taalla galbeedka Korea-da Woqooyi lagu diyaarinayo in laga rido gantaalada riddada dheer ee la hago.

Goobtan ayaa waxaa loo isticmaalaa in laga rido gantaaladda riddada dheer ee la hago, kuwaasi oo gaari kara illaa 10,000 oo KM.

Korae-da Woqooyi ayaa sheegtay inay diyaarineyso dirista satellite, hase yeeshee Korea-da Koonfureed iyo Mareykanka, ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Pyngyang ay dooneyso in rido gantaallo gaari kara Mareykanka iyo Japan.

XS
SM
MD
LG