Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban oo Taageeray Go'aannadii Madasha


Xasan Sheekh iyo Ban Ki Moon (Sawir hore)
Xasan Sheekh iyo Ban Ki Moon (Sawir hore)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Muqdisho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Muqdisho.

Xoghayaha ayaa ugu hambalyeeyay madaxda soomaalida go’aanka ay gaadheen, waxaana uu ku tilmaamay go’aan dhabada u xaadhaya isbedel wanaagsan oo xiligii loogu talagalay yimaadda, marka ay dhamaato mudada u hadhay dawladda talada haysa .

Ban Ki Moon ayaa si gaar ah u bogaadiyay qaybta muhiimka ah ee loo qoondeeyay haweenka Soomaaliyeed oo loogu talagalay inay ay noqdaan 30% xubnaha golaha sharci dajinta.

Xoghayaha ayaa xusay in uu aaminsanyahay in go’aamadan ay ku yimaadeen wada tashi sal balaadhan oo lala yeeshay maamul goboleedyada somaaliyeed, xubnaha baarlamaanka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, waxaana uu ku tilmaamay talaabadan inay tahay mid astaan u ah in Somalia ay cagta saartay dhabada dib u dhiska iyo nabadaynta, waxaana uu ku booriyay dhinacyada oo dhan inay taageeraan si waqtigii loogu talagalay loo dhaqan galiyo isbedelka 2016ka

Ugu dambaynta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa mar labaad ku celiyay in loo baahanyahay in si deg deg la iskula meel dhigo suurtagalinta in doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiiban karo uga dhici lahayd Somalia sanadka 2020ka.

XS
SM
MD
LG