Jabuuti oo ku Dhowaaqday Mashruuc Gaas Dabiici Ah

Djibouti

Mashruucaas laga dhisayo deegaanka Dameerjoog waxa uu awood u leeyahay inuu sifeeyo ilaa 3 milyan oo tan oo gaas ah sanandkii, waxaase dhaleeceeyey ururka ONLF.

Dawladda Jabuuti ayaa toddobaadkii hore ku dhowaaqday mashruuc ku kacaya balaayiin doollar oo lagu dhisayo warshad lagu sifeeyo gaaska dabiiciga ah ee dawladda Itoobiya ay ka soo saarto gobolka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, kaasi oo loo dhoofin doono dalka Shiinaha.

Mashruucaas laga dhisayo deegaanka Dameerjoog waxa uu awood u leeyahay inuu sifeeyo ilaa 3 milyan oo tan oo gaas ah sanandkii, waxaana mas'uuliyiintu sheegeen inay ka rajo qabaan in saddex sano gudaheed ay ku gaadhsiiyaan 10 milyan oo tan.

Dhinaca kalena, ururka ONLF ayaa cambaareeyey heshiiskan waxayna war saxaafadeed ururka soo saaray lagu sheegay inay kasoo horjeedaan heshiiskaasi iyaga oo sheegay in dadka Soomaalida ah ee iska leh deganaka laga soo saarayo gaaskaas aan lagala tashan heshiiskan qaybna aysan ka ahyan.

Haaruun Macruuf ayaa arrimahan ka waraystay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud, sidoo kalena qadka teleefonka ee London kula xidhiidhay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee ONLF Cabdiraxmaan Mahdi.

Your browser doesn’t support HTML5

Mashruuca Gaaska Dabiiciga Jabuuti