Beledweyne: Qarax loo Adeegsaday Laptop

Beledweyne

Afar qof ayaa ku dhaawacantay qaraxan oo barqonimadii maanta ka dhacay iridka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.

Afar qof ayaa ku dhaawacantay qarax barqonimadii maanta ka dhacay iridka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada Amisom ee howlaha nabad ilaalinta u jooga magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday Computer Laptop ah, oo walxaha qarxa lasoo geliyey.

Qaraxa kadib ayaa waxaa loo joojiyey dhammaan duulimaadyadii ka baxayey iyo kuwii imanayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.

Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan ku saabsan cidda fududeysay qaraxa iyo sida loo fuliyey. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Wariyeheenna Xuseen Xasan Dhaqane ayaa qaraxyadaasi ka wareystay taliyaha saldhigga Booliska Beledweyne, Gaashaanle Dhexe, Cali Dhuux Cabdi Mahadalle.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Beledweyne