Xaaladda Magaalada Jabuuti Oo Deggan

Waxaa jira taayaro aan badneyn oo lagu arkayey meelaha qaar ayaga oo lagu gubayo, balse xiisadda ayaa aad uga degan sidii ay ahayd shalay.

Xaaladda xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti oo ay rabashado ka dhaceen shalay ayaa maanta deggan, ciidamada ayaana gaaf wareegaya waddooyinka muhiimka ah ee xaafaddaas.

Waxaa jira taayaro aan badneyn oo lagu arkayey meelaha qaar ayaga oo lagu gubayo, balse xiisadda ayaa aad uga degan sidii ay ahayd shalay.

Ilaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku dhintay dhacdadaas.

Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen inay 19 qof ay dhinteen, dawladduna weli kama aysan hadlin.

Mucaaradku waxay ay sidoo kale sheegeen inay dhaawacmeen xubno ka tirsan mucaaradka oo uu ku jiro wasiirkii hore ee awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan, iyo guddoomiyaha dallada USN Axmed Yuusf, iyo weliba xildhibaan kale oo ka tirsan baarkamanaka Siciid Xuseen Rooble.

Axmed Cali Sheekh ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda Jabuuti oo degan