Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yusuf Dheeg: Rajo Fiican ayuu na Geliyay Shirka Sirta


Yusuf Dheeg: Rajo Fiican ayuu na Geliyay Shirka Sirta
Yusuf Dheeg: Rajo Fiican ayuu na Geliyay Shirka Sirta

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Dheeg wuxuu sheegay in madaxda Carabtu ay isla garteen in la caawiyo Soomaaliya.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay shirkii madaxda Carabta iyo Afrika ku yeesheen magaalada dalxiiska ku wacan ee Sirta ee dalka Liibiya.Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) ayaa sheegay in madaxda Carbeed ay isla oggolaadeen inay dowladda KMG ah ka caawiyaan dhinacyada Ammaanka iyo mushaharka ciidamada dowladda.

Wasiirku wuxuu sheegay in uu furan yahay albaabka wadahadalka, loona baahan yahay in kooxaha mucaaradku ay dagaalka joojiyaan, wadahadalna la fariistaan dowladda.

Mr. Dheeg ayaa wareysi siiyay Idaacadda VOA-da xalay, xilli ay isu diyaarinayeen inay ka dhoofaan dalka Liibiya.

XS
SM
MD
LG