Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyarada & Dagaallada - Gabdhaha iyo Xijaabka


Dhalinyarada & Dagaallada - Gabdhaha iyo Xijaabka
Dhalinyarada & Dagaallada - Gabdhaha iyo Xijaabka

Barnaamijka Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa fikradaha gabdhaha dhalinyarada ah ay ka qabaan qabqabashada iyo xiritaanka ururka Al-Shabab.

Bishii Sebtember ee sannadkii aynu soo dhaafnay 2009 ayaa ururka Al-Shabab ay soo rogeen amarro ay ku qabqabanayaan haweenka ay u arkaan inaysan u labbisnayn sidii laga doonayey.

Inkastoo xijaabku uu waajib yahay, haddana waxaa ururka Al-Shabab lagu eedeeyey inay dumar badan ku xirxireen goobo ka mid ah magaalooyinka Muqdishu, Afgooye, Balcad, Baydhaba iyo meelo kale.

Sida ay noo sheegeen dadka waaya-aragnimadaasi la kulmay waxay ururka Al-Shabab sabab uga dhigayeen qabqabashada iyo xiristooda in haweenkaasi aysan wadanin xijaab ka samaysan dhar gaar ah, lehna qaro cayiman.

Dhinaca kalena, gabdho badan oo xijaaban ayay dhacdaa in lagu eedeeyo inay wax qarinayaan. Bishii horena dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in qofkii ka dambeeyey qaraxii huteel Shaamo uu watay xijaab.

Haddaba waa sidee waaya-aragnimada gabdhaha dhalliniyarada ah ee arrintani khusayso? Waa mowduuca barnaamijka dhalinyarada maanta iyo dagaallada Soomaaliya Qaybta Lixaad, waxaana idin soo gudbinaynaa codadka afar gabdhood oo ku nool magaalada Muqdishu oo kala ah: Faadumo Xasan Cali; Suleekha Maxamed Nuur, Hodan Cilmi Cawaale iyo Maryan Maxamed Cali. Barnaamijka waxaa ugu horrayn furaysa Faadumo Xasan Cali:

Qaybta Lixaad ee barnaamijka ka dhagayso midigta kore

XS
SM
MD
LG