Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Soomaali laga Sii daayay Xabsi


Yemen: Soomaali laga Sii daayay Xabsi
Yemen: Soomaali laga Sii daayay Xabsi

Soomaalida laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Yemen waxay ku eedeeysnaayeen falal argagixiso ah.

Dowladda Yemen ayaa xabsiga ka sii deysay shan dhalinyaro Soomaali ah oo u xirnaa shaki la xiriira falal argagixisinimo ah.

Dhalinyartaasi ayaa laga 20 maalmood ka hor laga soo qabtay mid ka mid ah goobaha ay ku badan yihiin dagaalyahannada al-Qaacida ee ku sugan gudaha dalka Yemen. Ka dib markii la soo qabtay dhalinyaradaasi ayaa waxaa durbaba looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin al-Qaacida.

Abuukaate Cabdiraxmaan Baana oo hormuud ka ahaa gurmadkii loo fidiyay dhalinyaradaasi ayaa sheegay in raggaasi aysan wax xiriir ah la lahayn argagixisada la sheegay, wuxuuna sheegay inay ahaayeen Soomaali ka shaqeysan jirtay magaalada Lowdar ee dalkaasi Yemen.

XS
SM
MD
LG