Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in kooxo argagixiso ahi ay ka dambeeyeen dilka Sheek Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.
Dhinaca kalena, Sheekh Bashiir Salaad oo ah guddoomiyaha ururka Ictisaam oo ah urur ka go'ay Al-Itixaad Al-Islaami ayaa sheegay in Al-shabab uu ka dabmeeyo dilka Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan.
Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ahaa caalim xagga diinta ah ayaa sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso.
Alle ha u naxariiste Dr. Axmed ayaa la sheegay in la dilay isaga oo kasoo baxay salaadda oo uu masjidka kusoo tukaday
Warbixin iyo wareysiyo arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.