Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka al-Shabaab ay saaka soo weerareen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka oo ku sugan degaanka lagu magacaabo Bar Ujeed oo u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa VOA u sheegay in ciidanku ay iska caabiyeen weerarkaas.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in degaanka lasoo weeraray uu istiraatijiyad u leeyahay hawlgallada ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka, waxayna sheegeen in ciidanku halkaasi ay dhaqdhaqaaq ka wadeen.
Ururka al-Shababa ayaa dhinacooda shegetay in maleeshiyaadkaadu ay qabsadeen saldhiggaasi ayna dileen tobannaan ka tirsan ciidamada dawladda, sheegashadaas oo aan si madaxbannana loo xaqiijin.
Dhinaca kalena, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekeh Maxamuud oo jeediyey khudbad ku aaddan sannad –guurada lixaad ee kasoo wareegtay weerarkii Zoobe ayaa ammaanay dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya ay kula jiraan al-Shabaab, waxaana uu ku baaqay inaan la siyaasadayn dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Madal