Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xizbul Islaam : Waan la Dagaalamayanaa Ciidamada Caalamiga ah


Xizbul Islaam : Waan la Dagaalamayanaa Ciidamada Caalamiga ah
Xizbul Islaam : Waan la Dagaalamayanaa Ciidamada Caalamiga ah

Ururka Xizbul Islaam oo ka mid ah Mucaaradka ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan ciidan kasta oo la keeno Somalia.

Ururka ayaa kaga jawaabayay hadalkaasi baaqii ay soo saareen dawladaha Maraykanka iyo Britain ee ay ku sheegeen in la xoojinayo ciidamada nabad ilaalinta ee Somalia iyada oo la hoos gaynayo Qaramada Midoobay.

Af hayeenka Hawlgalada ee Xizbul Islaam Sh Maxamed Cismaan Caruus oo VOAda waraysi siiyay ayaa tilmaamay in ciidamo la soo kordhiyaa aanay xal u ahayn nabadaynta Somalia iyo in la helo heshiis waara.

Af hayeenku waxa uu tusaale uu u soo qaatay ciidamadii tirada badnaa ee ka socday Ethiopia iyo kuwii ka horeeyay ee Qaramada midoobay UNISOM 1993, oo sida uu sheegay natiijo la’aan uga baxay Somalia.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG