Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiriirka Ahlu Sunna iyo Dawladda


Xiriirka Ahlu Sunna iyo Dawladda
Xiriirka Ahlu Sunna iyo Dawladda

Afhayeenka Ahlu Sunna ee Yurub oo la kulmay wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa dhaliilay xiriirka DKMG iyo Ahlu sunna.

Afhayeenka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ee Yurub Mohamed Hussein Abuukar,oo ku magac dheer (Awliyo) ayaa maanta oo Jimce ah magaalada London kulan kula yeeshay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Britain.

Waxaanu sheeggay inay iska waraysteen xaalada siyaasadda Somalia, oo uu isla markaasna uga warramay waxa uu ku sheeggay halista kusoo fool leh heshiiskii ay dhawaan DKMG ah iyo Ahlu Sunna ku gaareen Addis Ababa.

Afhayeenka ayaa gaar ahaan uu ku eedeeyay madaxda sare oo dawlada ka tirsan, oo uu ka mid yahay madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, inaanay kaalintii laga filayay ka qaadanin hir gelinta heshiiskaasi.

Faahfaahinta waraysiga afhayeenka ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.


XS
SM
MD
LG