Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano u Dhoofay Kenya


Xildhibaano u Dhoofay Kenya
Xildhibaano u Dhoofay Kenya

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta sii watay safar ay ugu sii jeedaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib markii isniintii todobaadkan ay xukuumadda KMG ah ka horjoogsatay inay safraan.

Xildhibaanadan maanta u ambabacay Nairobi, waxay ka tirsan yihiin guddiga doorashada madaxda qaranka ee uu dhowaan magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Xareed Xasan Cali, Afhayeenka guddiga doorashada ayaa VOA u sheegay in uusan garan karin waxa fududeeyay safarkooda Nairobi, wuxuuna sheegay inau u socdaan si ay uga qeybgalaan Aqoon isweydaarsi ku saabsan doorashooyinka.

XS
SM
MD
LG