Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno iyo Saraakiil Somali ah oo Nairobi lagu xiray


Xildhibaanno iyo Saraakiil Somali ah oo Nairobi lagu xiray
Xildhibaanno iyo Saraakiil Somali ah oo Nairobi lagu xiray

Ciidamada amniga Kenya ayaa xalay qabqabtay dad Somali oo ay ku jiraan ku dhawaad 20 Xildhibaanno Somaliyeed iyo Gen Maxamed Nuur Galaal

Ilaa 20-meeyo ka tirsan mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin uu ku jiro Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid noqday boqolaal Soomaali ah oo xalay laga qab-qabtay xaafadaha magaalada Nairobi, gaar ahaa Eastleigth.

Gen Maxamed Nuur Galaal iyo xildhibaanada kale ayaa Boliiska Kenya ay ka soo qab-qabteen hotel Al-Andalus oo ay daganaayeen oo ku yaalla xaafada Eastleight.

Xildhibaan Axmed Maxed Abukar iyo Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa VOA-da wareysi siiyay, iyagoo markaasi ku sugnaa laguna hayo saldhig ciidamada amnigu ku leeyihhiin xaafada South C ee Nairobi. Xidlhibaanka Axmed iyo Gen Galaal waxay ka hadleen qaabkii loo soo qabtay oo ay sheegeen in loogu galay qolalkii ay ka daganaayeen Hotel Al-Andalus. labadan mas'uul waxay xuseen inay ciidamada Boliiska Kenya ay tuseen aqoonsigoodii, laakiin aysan tixgalinsiin oo kadibna baabuur lagu soo guray.

Qab-qabshada mas'uuliyiinta iyo Soomaalida ku nool Nairobi, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo jimcihii uu banaanbax rabshaha watay uu ka dhacay Nairobi.

Wareysiga Gen Galaal iyo Xildhibaan Axmed qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG