Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiddig oo Xaqiijiyay Duqeynta Qandal


Xiddig oo Xaqiijiyay Duqeynta Qandal
Xiddig oo Xaqiijiyay Duqeynta Qandal

Wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga ee Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in duqeynta Qandal ay dowladdu ogeyd.

Wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga ee Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in duqeynta cirka ah oo loo geystay Qandal oo ka tirsan Jubbada Hoose, ay dowladdu wax ka ogeyd.

Duqeyntaasi waxaa geystay diyaarado ajnabi ah oo wasiirku uu ka gaabsaday inuu magacaabo dalka laga leeyahay.

Duqeyintaasi oo loo geystay xero ay lahayd al-Shabaab, ayaa lagu soo warramay inay dad ku dhinteen. Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee goobtaasi ka dhacay.

XS
SM
MD
LG