Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Sare ee Boosaaso oo La Dilay


Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Sare ee Boosaaso oo La Dilay
Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Sare ee Boosaaso oo La Dilay

G/sare Cabdullaahi Saalax Shirwac waxaa xabad lagaga dhuftay madaxa, isagoo marayay bartamaha magaalada Boosaaso.

Waxaa magaalada Boosaaso Gabal dhicii lagu dilay xeer ilaaliyihii maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari, Korneyl Cabdullaahi Saalax Shirwac.

Taliyaha qeybta booliska gobolka G/sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen uu VOA-da u xaqiijiyay dilka xeer ilaaliyaha, wuxuuna sheegay in kooxdii dilka gaysatay ay baxsadeen, balse bileysku ay ku raad joogaan.

Marxuumka la dilay waxaa xilkan xeer ilaalinta loo magacaabay dhowaan, ka dib markii la dilay xeer ilaaliyihii hore Cali Jaamac Qalas, kaasoo qudhiisa lagu dilay bartamaha Boosaaso.

Cabdullaahi Saalax Shirwac wuxuu horey u soo qabtay xilal kala duwan oo taliska ciidanka booliska Puntland.

Ka hor intaan loo magaaabin xilkan xeer ilaalinta gobolka Bari waxaa uu dhowrkii sano ee u dambeeyay macalin sharciyada booliska ka ahaa kulilyadda tababarka booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo.

Magaalada Boosaaso ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay ay ka dhacayeen dilalka noocan ah ee ay geysanayaan dableyda aan la garaneyn.

Bishan November 20-keedii waxaa dil loo geystay Suldaan Ciise Xasan Cumar oo ka mid ahaa salaadiinta Puntland.

XS
SM
MD
LG