Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo ku kulmay Villa Somalia


Xasan Sheekh iyo Farmaajo
Xasan Sheekh iyo Farmaajo

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha kursiga ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, oo uu ku shaaciyey kulankan ku yiri “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah.”

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in sidoo kale madaxtooyada “ay u guddoontay” madaxweyne Xasan Sheekh dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in dalalka hambalyada usoo diray Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ay ka mid yihiin; Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in sidoo kale, ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo usoo direen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May, isaga oo wareeggii ugu dambeeyey doorasho ay ka qeyb-galeen 34 musharax uga adkaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne usoo noqday intii u dhaxeysa September 10, 2012 illaa February 7, 2017, markaasi oo uu beddelay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

XS
SM
MD
LG