Muqdisho —
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilalkii ka qaaday laba ka mid ah wasiiradiisa, isagoo kuwo cusubna soo magacaabay.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa wasiirka beeraha iyo waraabka u magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah mudane ka tirsan baarlamanka.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) u magacaabay wasiirka wasaarada howlaha guud iyo guryaynta.
Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xassan Kaafi Qoyste.
Madal