Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamas oo Dil Toogasho ku Fulisay Saddex Qof


Kooxda Xamas
Kooxda Xamas

Kooxda Xamas ee maamusha magaalada Gaza ayaa aroortii saaka dil ku fulisay saddex qof oo si kala duwan loogu helay inay dilal geysteen, ayada oo uusan ansixin madaxweynaha Falastiin.

“Si loogu guuleysto in dadka laga dhiiri-geliyo, islamarkaana loo joojiyo dambiga, ayaa mas’uuliyiinta waxay dil ku fuliyeen saddex qof oo gaystay dilal fool xun” Waxaa sidaas lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska dacwad oogaha Xamas ee Gaza.

Saddexda qof ayaa la dilay kadib markii dadaalladii ugu dambeeyey ee racfaan, iyo cafis ka yimid qoysaska dadkii ay dileen, lagu gacan seeray.

Sida uu dhigayo sharciga Falastiin, dhammaan dilalka qisaasta ah ee Falastiin, waa inuu ansixiyaa madaxweyne Maxmuud Cabaas.

Inkasta oo uu jiro sharcigan iyo cadaadis ka yimid urur maxalli iyo kuwa caalami ah, ayuu xafiiska dacwad oogaha fuliyey dilkan, taasi oo sii kal qeybinaysa dadka Falastiiniyiinta.

Dilkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Xamas ay fuliso tan iyo sanddii 2014, markaasi oo dowlad mideysan laga hir-geliyey Gaza iyo Daanta Galbeed.

XS
SM
MD
LG