Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamaasadda Doorashada Maraykanka


Xamaasadda Doorashada Maraykanka
Xamaasadda Doorashada Maraykanka

Doorashada sanadkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah doorashooyiinkii u kululaa ee dalkan soo mara muddo badan.

Xiisadda doorashadan iyo ololaha musharaxiinta tartamayasa ayaa si weyn uga muuqday warbaahinta Maraykanka .

Arrimo kala duwan ayaa loo aanaynanyaa sababta xiisaha gaarka ah u yeeshay doorasahada sanadkan sida uu faahfaahinayo Prof Siciid Sheekh Samatar oo ka dhiga Jaamacadda Rutgrs ee dalkan maraykanka, isaga oo sheegay in uu dhaqaaluhu ugu muhiimsanyahay

Inkasta dalka oo dhan laga dareemayo sida adag ee loogu tartamayo doorashada sanadkan , hadana waxaa jira gobolada qaar oo si gaar dadweynaha iyo warbaahintu ay isha ugu hayaan kuwaasi oo macno goonaya u samaynaya labada xisibi iyo musharaxintooda, sida uu inoo faahfaahinayo Cabdiqafaar Wardheere oo ku takhasusay horomarinta caalamiga ah muddo badanna ku noolaa dalkan maraykanka oo sheegay in gobolkii laga soo dooran jiray Obama ee Illinois uu ka mid yahay kuwa ugu kulul ee la isku hayo.

Warbixin faahfahsan oo arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG