Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xal Laga Gaaray Rabshadihii Boosaaso


Boosaaso, Bossaso
Boosaaso, Bossaso

Maamulaha Dugsiga Sare ee Najax ee Boosaaso Yaasiin Dhahar iyo macalimiin iyo arday oo ay maalinimadii shalay xabsiga u taxaabeen Ciiidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa xoriyadoodii dib u helay, kadib markii xal laga gaaray dhacdadii shalay ka dhacday goobtaas.

Waxaa kale oo maanta waxbarashadoodii dib u billaabay ardaydii wax ka baranaysay Dugsiga Sare ee Najax, iyadoo maamulka gobolka bari uu raali gelin ka bixiyey dhibaatadii iskuulka loo geeystay.

Rabashadihii shalay ka dhacay Boosaaso, ayaa billaabmay kadib markii ciidamada booliska ay isku dayeen inay xoog ku galaan iskuulka, ayaga oo daba joogay arday ay doonayeen inay xiraan, taasi oo maamulka iskuulka uu diiday.

Ardayda ay booliiska daba joogeen, ayaa taliyaha booliiska Bari Col Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, waxa uu ku sheegay kuwa ah cadowga Puntland, hadalkaasi oo maanta raali-gelin laga bixiyey.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintaas nooga soo dirtay magaalada Boosaaso.

Dhacdadii Boosaas oo la xaliyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00

XS
SM
MD
LG