Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Booliska Iyo Arday Isku Dhacay


Boosaaso, Bossaso
Boosaaso, Bossaso

Mudaharaad rabshado wata ayaa maanta wuxuu ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen maamulaha iskuulka sare ee Najax.

Rabashadda ayaa billaabatay kadib markii ciidamada booliska ay isku dayeen inay xoog ku galaan iskuulka, ayaga oo daba jooga arday ay doonayeen inay xiraan, taasi oo maamulka iskuulka uu diiday.

Ardayda ay booliiska daba joogeen, ayaa taliyaha booliiska Bari Col Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, waxa uu ku sheegay kuwa ah cadowga Puntland.

Qaar ka mid ah ardayda oo VOA-da la hadlay ayaa iyaguna shaaca ka qaaday in booliiska ay si bareer ah rasaas ugu soo fureen, waxaana jira dhaawacyo fudud oo soo gaaray macalin iyo arday.

Boolisku waxay sidoo kale xirxireen tiro aan la cayimin oo ardayda iyo macalimiinta Najax ka tirsan.

Fadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inooga soo dirtay Boosaaso.

Rabshadaha Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:20 0:00

XS
SM
MD
LG