Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug Oo Dagaal Ku Qabsatay Camaara


Ciidamada maamulka Galmudug, ayaa saaka dagaal muddo kooban socdey kadib dib ula wareegay gacan ku heyta deegaanka Camaara oo 180 KM u jirta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo ka hor ay Shabaabku qabsadeen.

Aaden Cabdi Cumar (Aadan Law) oo ka mid ah ciidamadii maamulka Galmudug ee dagaalka hoggaaminayay ayaa VOA u sheegay in hal askari uu dhankooda kaga dhaawacmay dagaalka, islarmakaasina khasaare kale ay gaarsiiyeen dhinaca Al-Shabaab.

Aadan Law, ayaa sheegay in hadda xaaladda deegaanka Camaara ay deggan tahay islamrakaana ay dib u furmeen ganacsigii iyo isu socodkii dadka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aaddan dagaalkii saaka looga qabsaday deegaanka Cammaara ee gobalka Mudug.

XS
SM
MD
LG