Dadka Maraykanka ayaa shalay si weyn u xusay 10 guuradii ka soo wareegtay 11kii Sebtember, markaasoo weeraro argagixiso lagu soo qaaday dalka Maraykanka, laguna dilay 3,000 oo qof.
Xafladaha xuska ayaa lagu qabtay Newyork, xarunta Wasaaraddda Gaashaandhigga oo ku taala gobolka Virginia ee duleedka Washington iyo gobolka Pennsylvania , Sadexdaas meelood ayaa ah halkii Dayuurado la soo afduubay lala dhacay.
Xaflado Maalintaa lagu xusayo ayaa ka dhacay Dalal ku yaala Qaaradda Yurub. Afar Dal oo horay uga heystay Nidamka Shuuciga oo ku yaala bariga Yurub hase yeeshee 10kii sano ee ugu dambeeyay ku soo biiray Midowga Yurub, sida Poland. Slovakia, Jamuuriyadda Check Republic iyo Hungary ayaa laga Xusay 11-kii Sebtember.
Waxaase Xaflada yurub ay dhacayeen iyadoo Booliska Wadanka Sweden ay Qabteen rag looga shakiyay ineey maleegayeen weeraro Argagixiso oo dalkaasi loo geeysto.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa oo xalay ka hadlayay Munaasadda sanad guurada 10-aad ee 9/11 ayaa ku tilmaamay 10koo sano ee ka dambeeyay dhacdadaasi, kuwo shacabka Maraykanka ay ka barteen adkeysiga, isla markaana mideeyay.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ay muujiyeen go'aan qaadasho la xiriira sidii ay u difaaci lahaayeen Shacankooda iyo qaabka ay u noolyihiin xilliyo adag oo ay qatar ku heysay argagixisada.