Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xafladdii Heshiiska UWSLF iyo Itoobiya


Xafladdii Heshiiska UWSLF iyo Itoobiya
Xafladdii Heshiiska UWSLF iyo Itoobiya

Guddoomiyaha UWSLF wuxuu ugu baaqay Shacabka Kililka 5aad ka soo jeeda inay taageeraan heshiiska ayna ka wada qeybqaataan badbaadinta shacabka.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa lagu soo lagu qabtay xaflad ballaaran oo qalinka si rasmi ah loogu duugayay heshiiskii dhexmaray dowladda Itoobiya iyo jabhadda UWSLF.

Guddoomiyaha jabhadda UWSLF Sheekh Ibraahim Dheere oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ka warramay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay inay ugu muhiimsanaayeen lix qodob.

Qodobada heshiiska waxaa ugu muhiimsanaa


1- In dadka degan Kililka 5aad ay helaan xaqa ay u leeyihiin aayo ka talintooda, haddii ay Itoobiya ku sii jirayaan iyo haddii ay gooni u go’ayaan, iyagoo dadkaasi raacaya qodobka 36aad ee dastuurka dalka Itoobiya.
2- In dadkaasi ay helaan xorriyaadka aasaasiga ah, sida arrimaha diinta, waxbarashada, xorriyadda hadalka, xorriyadda Dhaqaalaha.
3- In dadkii dagaalka ku qaxay loo oggolaado inay dalkooda ku soo laabtaan, loona diyaariyo jawi ay ku soo laaban karaan.
4- In la sii daayo maxaabiista siyaasadda ee lagu xiray dagaalada.

Waxaa xafladdu ay ahayd mid aad u ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen wufuud kala duwan oo dalalka Jaarka iyo caalamka ka kala yimid.

Guddoomiyaha UWSLF wuxuu sheegay in ay guul u arkaan tallaabadan ay heshiiska kula galeen dowladda Itoobiya, isagoo sheegay inaan lagu sii jiri karin dagaal, balse loo baahan yahay in dhanka nabadda wax lagu raadiyo.

XS
SM
MD
LG