Kaamka Benaadir oo ku yaalla duleedka isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Benaadir ayaa ka mid ah goobaha xaallada liidata laga soo sheegayo, waxaana qoysaska kaamkaasi dagan ay tiradoodu gaarayso ilaa 750 qoys.
Dadka barakacayaasha oo dhowr jeer oo is xigga ka qaxay deegaano kala duwan oo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa waqtigan haysata marxallado adag oo ay ka mid yihiin cunno la'aan, biyo yari iyo caafimaad darro.
Dhinaca kalena xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya waxaa maalin kasta gaaraya qaxooti fara badan oo ka cararaya dagaallada ka dhacay gobollada Jubbooyinka.
Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso laba warbixinood oo ka hadlaya xaallada barakacayaasha duleedka Muqdisho iyo qaxootiga xeryaha Kenya.