Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaallada Degmada Matabaan


Xaallada Degmada Matabaan
Xaallada Degmada Matabaan

Degmada Matabaan ayaa degan, kadib markii Al-Shabab ay saaka qabsatay, balse dib looga qabsaday isla maanta.

Saaka aroortii ayaa maleeshiyada Al-shabaab ay u suurtogashay inay degmadaasi gacanta ku dhigaan, balse muddo kooban kadib waxaa isla degmada Matabaan dib u qabsaday maleeshiyada ururka Ahlu-Sunn Wal-Jamaaca oo iyagu deegaano ku dhow Matabaan ka helay ciidamo gurmad ah.

Wararka ugu danbeeyay ee degmada Matabaan ka imanaya ayaa sheegaya in xaalladu haatan dagan tahay, waxaase jira dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda deegaano u dhow degmadaasi.

Labada dhinac ayaa shirar jaraa'id oo ay warbaahinta u qabteen ayaa wuxuu mid mid walba sheegtay guullo. Madaxa Warfaafinta ee ururka Ahlu-Sunna Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in ciidankoodu ay xoog magaalada u saareen kuwa Al-shabaab. Dhinaca kalena Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge, isna wuxuu dhinaciisa ka sheegay in ciidankoodu uu saaka Matabaan qabsaday balse markii ay iskood uga soo baxeen.

Guud ahaan gobolka Hiiraan, marka laga reebo Matabaan waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG