Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee Liboye


Xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee Liboye
Xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee Liboye

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa weli ku soo qul qulaya dalka Kenya, kuwaasoo iyagoo aad u tabar darreeyay ka soo gudba Liboye.

Qaxooti Soomaaliyeed oo aad u tabaaleysan ayaa weli kusoo qul qulaya dalka Kenya, kuwaasoo ka soo cararaya abaar iyo macluul ku habsatay deegaamadii ay ku noolaayeen.

Hase yeeshee dadkaasi waxay hakad ku galaan halka xuduudda looga soo gudbo Kenya ee Liboye si ay u maraan baaritaan iyo diiwaangelin.

Qaxootigaasi ayaa u badan haween iyo caruur, kuwaasoo halkaasi soo gaara iyagoo aad u tabardarreeyay, nafaq-darrina ay hayso.
Sahra Cabdi Axmed oo VOA-da ka tirsan oo halkaasi booqatay ayaa ku soo aragtay, haween iyo caruur aad u tiro badan oo qarka u saaran geeri oo haddana fadhiya geedaha hoostood ee Libaye dhanka Soomaaliya.

Si deg deg ah qaxootigaasi uguma soo gudbi karaan Kenya, ilaa diiwaan geliyo, baarisna lagu sameeyo, hawshaasoo badidood aan tabar u haynin.

XS
SM
MD
LG