Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhadhaab: Xaaladda Qaxootiga Soomaalida


Dhadhaab: Xaaladda Qaxootiga Soomaalida
Dhadhaab: Xaaladda Qaxootiga Soomaalida

Xaaladda nololeed ee Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Dhadhaab ayaa laga deyrinayaa. 800 oo qaxooti ah ayaa bil kasta gaara xeradaasi.

Dadka Qaxootiga ah ee sugan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Dhadhaab ayaa ka cabanaya xaaladoodda nololeed. xeryahaasi ayaa waxaa bil walba soo gaadhaya qaxooti ka badan 800 oo qof.

Qaxootiyadan cusub ayaa ayaa culays dheeraad ah waxay ku noqonayaan qaxootigii horeba u joogay xeryahaasi ee noloshoodu ay aadka u liidatay. Abaaraha ka jiro meelo badan oo geeska Africa ah ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xeryaha qaxootiga ee dadka Soomaalidu ku jiraan.

Weriyaha VOA ee Waqooyi Bari Kenya Max'ed Faarax Shire ayaa sheegaya in qaxootigaasi ay haysato xaalad hoy la'aan ah iyo waliba caafimaad darro. UNHCR ayaa wada qorshe ay ku dhisayso xero kale oo loogu talagalay inay degaan ilaa 80 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

XS
SM
MD
LG