Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Kililka 5aad oo laga hadlay


Shirka looga hadlay xaaladda Kilinka 5aad ee Itoobiya oo jimcihii la soo gabagabeeyay waxaa ka qeybgalay Khubaro caalami ah.

Shir ballaaran oo looga hadlayay xaalada guud Kilinka 5aad ee Itoobiya ee ay Soomaalidu degto ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Minneapolis ee dalkan Maraykanka. Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen khubaro isugu jirta Soomaali iyo ajaanib isaga kala timid caalamka ayaa ka socoday magaaladaasi Minneapolis muddo labo maalmood ah, waxaana soo qabanqaabiyay Machadka daraasaadka arrimaha bulshada ee Horn of Africa.

Faysal Cabdi Rooble oo ka mid ah khubaradii ka qeybgashay shirkaasi ayaa VOA-da u sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ay ahaayeen afar qodob oo kala ahaa, In uu jiro cadaadis aad u daran oo lagu hayo ummada degta Kilinka 5aad, in lala yimaado xal oo aan lagu taagnaanin oo keliya colaad iyo ciil, in xalka laga qeybgeliyo dadka ay arrintaasi muhiimka u tahay ee dagaalamaya, iyo in beesha caalamku ay door fiican ka ciyaarto xal u helida dhibaatada ka jirta Kilinka 5aad.

Faysal Cabdi Rooble ayaa VOA-da u sheegay in shirkoodaasi uusan dhinacna cambaareyn u jeedin, Dowladda Itoobiya amma jabhadda ONLF.

Mar ay VOA-du weydiisay haddii ay shirkooda ku soo hadal qaadeen iyo inkale heshiiskii dhowaan ay wada saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo jabhadda WSLF ayuu sheegay inay isaga gaabsadeen, isagoo taasi sabab uga dhigay in heshiiskaasi aanay qoraalo ka soo bixin iyagana aanay wax faah faahsan ka haysanin.

Si kastaba h aahaatee, maadaama shirkaasi uu ku saabsanaa xaalada guud ee Kilinka 5aad ee Itoobiya, hadana laguma marti qaadin dhinacyada Dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF.

XS
SM
MD
LG