Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Degmooyinka Beled Xaawo iyo Luuq


Xaaladda Degmooyinka Beled Xaawo iyo Luuq
Xaaladda Degmooyinka Beled Xaawo iyo Luuq

Qiimaha raashiinka ee degmooyinkaasi ayaa cirka isku shareeray, ka dib markii ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Degmooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo Ceel-Waaq oo ay dhowaan la wareegeen ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ayaa lagu soo warramayaa in noloshu ay adkaatay.

Qiimaha raashiinka lagu iibsado ayaa aad cirka isugu shareeray, degmooyinka ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ah guddoomiyaha degmada Doolow ee dowladda KMG ah ayaa ku eedeeyay sicir bararka deegaanadaasi ka jira kooxda al-Shabaab oo uu sheegay inay xayiraad ku soo rogeen degmooyinkaasi.

Waxa uu sheegay in kooxda al-Shabaab ay joojisay ganacsigii deegaanadaa iman jiray.

XS
SM
MD
LG