Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WFP oo joojisay howlihii koonfurta Somalia


Barnaamijka Cuntada Aduunka
Barnaamijka Cuntada Aduunka

WFP ayaa hakisay shaqooyinkii gargaar ee ay ka waday koonfurta Somalia, sababo ay ugu wacan tahay hanjabaaddo, weeraro iyo dalabyo ka imanaya kooxda Al-Shabaab.

Hay'addu waxay sheegtay in sababo ay ugu wacan tahay weerarada , hanjabaaddda iyo cagajuglaynta lagu hayo shaqaalaha gargaarka iyo dalabyada lacagaha ee Kooxaha Hubaysan aysan shaqadii hay'addu sii wadan karin.

Barnaamijka Cuntadda Adduunka “WFP” ayaa maanta sheegay in kooxahaasi ay joojiyeen awoodda Hay’adda ay gargaarka ku siinaysay Malyuun qof oo ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Laakiinse WFP waxay sheegtay in ay ka sii wadi doonaan shaqadeedii inta kale ee dalka oo ay ku jirto xarunta Magaalada Muqdisha.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka talisa dhulkaasi. Al-Shabaab waxay isku dayayaan in ay afka u ridaan dawladda Soomaaliya ee reer galbeedku taageero islamarkaasina ay dalka ka sameeyaan dawlad Islaami ah.

Afhayeenka WFP ee Geneva Emilia Casella ayaa u sheegtay Weriyaha VOA Yurub C/salaan Hereri in dallabaadyo aan la aqbali karin iyo weeraro lala beegsanayo shaqaalaha WFP ay ku qasabtay inay hakiyaan shaqadii ay ka wadeen koonfurta Somalia, taasoo ay gar-gaar ku siin jireen dad gaadhaya ilaa hal malyuun iyo badh Soomaali ah.

Hakinta howlaha gar-gaarka ee WFP ayaa noqon doonta mid saameyn weyn ku yeelata dad fara badan oo ku tiirsanaa gar-gaarka WFP. Prof Yahye Sheekh Caamir oo ah hormoodka kulliyada dhaqaalaha ee jaamacada Muqdisho, ayaa sheegay in arrintani ay saameyn doonto sidoo kale, qandaraaslayaal Soomaali ah oo lacago badan oo deebaaji ah ay ka hayso hay'adda WFP.

Afhayeenka ururka Xisbul-Islam, Sh. Maxamed Macallin ayaa VOA u sheegay inaysan Al-Shabaab la wadaagin fikirka ku saabsan hay'adda WFP.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso wareysiga afhayeenka WFP Geneva iyo warbixin ka hadlay saameynta ay leedahay hakinta shaqadii WFP ee koonfurta Somalia.

XS
SM
MD
LG