Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WFP oo Gargaar Geysay Muqdisho


WFP oo Gargaar Geysay Muqdisho
WFP oo Gargaar Geysay Muqdisho

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa bilaabay duulimaad uu gargaar ku geynayo dalka Soomaaliya.

Diyaarad sidda gargaar cunto oo ka socota Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Agaasimaha hay’adda WFP, Josette Sheeran waxay VOA u sheegtay in duulimaadyo kale ay xigi doonaan oo cunto lagu geynayo Bariga Itoobiya iyo waqooyiga Kenya.

Sheeran ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ku soo biiraan jawaabta laga bixinayo abaarta iyo macluusha geeska Afrika.

Qaramada Midoobay ayaa maanta deeqbixiyeyaasha kulan ugu qabaneysa dalka Kenya, si ay ugu yaboohaan inka badan $1.6 bilyan oo dollar oo wax lagaga qabto baahida abaareed ee ka jirta Geeska Afrika.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon waxa uu isagana sheegay inuu la kulmay ilaa afar hoggaamiyeyaal dalalka Khaliijka, kuwaasoo uu sheegay inuu ku booriyay inay ballanqaadaan gargaar wax lagaga qabto masiibadan abaarta. Sheeran waxaa ay sheegtay in boqorka dalka Sacuudi Areebiya Cabdallah uu dhowaan ballan qaaday $50m oo gargaar ah.

XS
SM
MD
LG