Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarkii Saxafi Oo Saameyn Weyn Reebay


Weriyaha VOA Seynab Abuukar oo tagtay hotelka Saxafi soona aragtay waxyeelada weerarkii Axadii ayaa sheegeysa in saameynta weerarka ay ka baxsan tahay Hotel Saxafi.

Saameynta weerarkii iyo qaraxyadii axaddii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, ayaa si aad ah looga dareemaya hoteelka iyo goobaha ku dhow.

Burbur xooggan ayaa iminka ka muuqda dhowr dhisme iyo goobo gacansi oo ka oo ka ag dhow hotel Saxafi.

Shirkado gacansi, kuwa isgaarsiineed iyo carwooyin ku dhowaa hotel Saxafi ayaa gebi ahaanba dhulka ku darsamay, taasi oo muujineysa awoodda qaraxii Shabaabka ay ku qadaeen hotelka.

Wasiirka beeraha Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile oo VOA ku hadlay hotel Saxafi ayaa sheegay in wax aad looga naxo ay tahay wixii ka dhacay hotelka Saxafi, balse loo baahan yahay in cashar laga barto.

Waxaa sidoo kale isbitaalada Muqdisho weli ku jira qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii hotel Saxafi.

Weriyaha VOA Seynab Abuukar oo tagtay hotelka Saxafi, ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Saameynta Weerarkii Saxafi
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00

XS
SM
MD
LG