Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ayatollah Oo "Death To America" Macneeyey


Khamenei waxa uu yiri “Ujeeddada Ameerika ha dhimato, loolama jeedo dadka Mareykanka, ee waxaa looga jeeda ha dhimato siyaasadda Mareykanka".

Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa sheegay in halku dhigga ah “Death to America” ama Ameerika ha dhimato aan loola jeedin dadka Mareykanka, balse loola jeedo siyaasadda Mareykanka.

Hadal lasoo dhigay website-kiisa ayuu Ayatollah Ali Khamenei kaga hadlay halku dhiggan isaga oo kulan la qaatay ardayda Iran kahor xuska qabsashadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Tehran afartii November ee 1979-kii.
Labada dal ayaan wax xiriir ah lahayn tan iyo makraas.

Si kastaba, hogaamiyaha iminka talada haya Hassan Rouhani ayaa sameeyey dadaallo uu ku hormarinayo xiriirka, oo ay ku jirto heshiiskii laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka ee dalkaas.

Khamenei waxa uu yiri “Ujeeddada Ameerika ha dhimato, loolama jeedo dadka Mareykanka, ee waxaa looga jeeda ha dhimato siyaasadda Mareykanka iyo islaweynida Mareykanka”.

Waxa uu ardaydii uu la kulmay u sheegay inaysan marnaba aaminin Mareykanka, isaga oo yiri “Mareykanka waxa ay iska hor ilmeysiiyeen kaamirada horteeda, iyaga oo iska dhigaya dad neceb dagaalka, balse waa dadka aan ka damqan marka Yahuudda ay boqolaal caruur ah ku gowracayaan Gaza”.

XS
SM
MD
LG